Cisbitaalka Magaalada Laascaanood Oo Maanta Deeq Lacageed Lasoo Gaadhsiiyay(Daawo Full Video)

Waxaa maanta deeq lacageed ay soo gaadhsiyeen jaaliyada reer sool iyo kuwa gaalkacayo cisbitaalka magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyagoo ay ka faaidaysanayaan bukaanada kujira gudaha cisbitaalkaa, deeqdan ay soo direen qurbajoogtaasi ayaa waxa ay usoo wakiisheen jibriil duuble oo isagu ah qurbajoog udhashay deegaanadan.

ugu horayntii ayaa waxaa halkaas kahadlay wakiilkii loosoo wakiishay lacagtan isagoona kawar bixiyay deeqdan cida soo dirtay iyo cida larabo in lagaadhsiiyo.

dhinaca kale ayaa halkaas waxaa kahadlay dr. cabdi maxamed buraale oo isagu kamid ah dhakhaatiirta kahawl gasha cusbutaalka kana warbixiyay baahida haysata bukaanada jiifa cisbitaalka siiba kuwa qaaxada ama tiibayda iyadoo sida kale uu dhakhtarka si balaadhan u amaanay dadkii iyagu lahaa falkan wanaagsan isla markaana deeqdan soo gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada laascaanood.

ugu danbayntii kulankan deeqda lacageed lagu gudoonsiinayay cisbitaalka magaalada laascaanood ayaa waxaa kahadlay agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada laascaanood  ismaaciil muuse ciise oo sheegay in ay bukaanadan kujira cisbitaalka ay ku tirisanyihiin deeqaha ay soo gaadhsiiyaan jaaliyada udhalatay deegaanadan isagoona ugu baaqay in  jaaliyadaha deegaanka iyo kuwa soomaaliyeedba ay soo taageeraan isla marrkaana deeqo soo gaadhsiiyaan bukaanadan iyagu aan waxba awoodin isagoo dhinaca kale uga amhad celiyay deeqdan lacageed ee ay soo gaadhsiiyeen walaalahooda ee jaaliyada reer gaalkacayo isagoona sheegay in ay kagudoomeen deeqdan isla markaana ay aad ugu ducaynayaan.

 

By- Maxamuud Salaad Maxamed(Maxamuud Awoowe)

Laascaanood – Khaatumo State

 

 

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX