Home » News » slidernews » {Full Video} Ururka Daryeel Dalka Iyo Dadka Oo Xafiis Ka Furtey Degmada Xadhadhan (Daawo}

{Full Video} Ururka Daryeel Dalka Iyo Dadka Oo Xafiis Ka Furtey Degmada Xadhadhan (Daawo}

socdaal ay maanta ku gaadhen magaalada xadhadhan ururka daryeel xubnihiisa magaalada buuhoodle iyo xubin ka socota wadanka maraykanka oo ka tirsan ururka daryeel waxaana uu socdaal koodani ku saabsanaa sidii ay xafiis uga furan lahaayen ururka daryeel una hirgalin lahaayen xubno muhiima oo ururka uga shaqeeya magaalada xadhadhan,

waxayna sidoo kale bulshada laqaaten kulan dheer oo lagu gorfaynayay sidii xafiiska loo hirgalin lahaa looguna dhisilahaa magaalada saldhig bolis maadaama aysan magaaladu lahayn shaldhig boolis degmo wayna ay tahay.

waxayna bulshada usoo bandhigeen in ay ubaahantahay magaaladu labo qol oo saldhig boolis ah loona baahanyahay booskii laga dhisilahaa saldhiga loogana qayb qaadan lahaa ninkastaana u keeni lahaa xoogiisa ama xoolihiisa si uu uga qayb qaato dhismaha saldhiga labada qol ah oo baahi wayn loogu qabo magaalada taasna waxaa siwayn u soo dhaweeyay dhamaanba dadka deegaanka xadhadhan.

waxayna balan qaaden inay bixinayaan booska saldhiga iyo waliba wixii dhaqaalo ay ku dhamaynayaan saldhigan.

waxayna siwayn ugu mahad celiyeen dhalinyarada ururka daryeel ee xafiiska ka furatey magaalada ku biireysa fikirka ah dhistaan saldhig boolis siwayna usaa dhaweeyay dhamaantoodba,waxaana goobtaasi ka hadlay dhamaanba waxgarad badan oo ka soo jeeda dadka deegaanka.

dhinaca kale socdaal aanu ku marnay magaalada ayaa waxaa ku tagnay iskuulka dhexe hoose ee magaalada oo isagu markaasi xidhnaa maadama ay had ku jiraan ardaydu fasaxii sanad dugsiyeedka sidoo kale waxaa ay magaaladani leedahay dhamaanba adeegyada bulshada.

waxaana gaar u booqanay garoonka ku bada cagta ee magaalada xadhadhan oo markaasi ay ku ciyaarayen dhalinyaro aan sidaasi ubadnayn balse ay noosheegen inay ka jiraan magaalada laba kooxod aysana haysan dhamaan agabka lagu ciyaaro kubada,

guud ahaanba dareenka aanu kala kulanay magaaladani ayaa waxaa uu ahaa mid aan lasoo koobi karin oo dhamaanba siwayn noo farax galiyay.

http://www.youtube.com/v/2h4-p9csbnA&feature=plcp

By Xamse Xasan Geele

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>