Home » Maqaalo » “Gardarada labbada geeska timid iyo garaad Xumada “Gabay ka Hadlaya Duulaankii Labada Maamul”

“Gardarada labbada geeska timid iyo garaad Xumada “Gabay ka Hadlaya Duulaankii Labada Maamul”

Tixdan waxaan ka tiriyay gardaradii xallay ka dhacday Magaalada tuka-raq iyo ee maamulka puntland iyo Soomaaliland oo isgarabsanayaa weerar kuracan ku qaadeen maamulka khaatumo.

<<<<<<<<<<Gardaro >>>>>>>>

Gardarada labbada geeska timid iyo garaad Xumada

Gucla-orodka deymada guracan, guusha aad sheegtay

Gamuunkaan ku ganno gees galbeed bari haduu hadduu gaadho

Gaalada sideedii, haddaan gawrac ugu jiido

Gob-la’ciifta waa la’arki jiray gunnise waa liide

Gafuuro-xun sidii Eabahay guuldaro u raacshay

 

Guyaal baddan nin jirray baan ahoow, goobo weeraraye

Gayigoo dhan waan galinnayaa— guluf colaadeede

Majeerteenka gaadaha dhigoow waa gar ii dhiggan

Afartaa gankii aan bartiyo gumuc rasaaseed dheh

Gayiyoo abaarsaday mar qudha roob ku gow yidhi dheh

Gallad uu ilaahay dul-dhigay gaafka khaatumo dheh

 

Guulo kallana waa reer tolkay mid’aan ku gaaryeeley

Guuraha habeenkii waxay dhaxani goysaaba

Gufaacada dhibaatada waxay golongolyoodaanba

Gasiin uu nin Gunni wado waxay daanka galiyaanba

Gabannaddii puntland jirray hadday gayi dhulkay gaadhay

Goosan aan badnaynbaa ku hadhay labbada geesoode

 

Gaadhsii dhanbaalkay iga wallay gabi yimaadaane

Afartaa gankii aan bartiyo gumuc rasaaseed dheh

Gayiyoo abaarsaday mar qudha roob ku gow yidhi

Gallad uu ilaahay dul-dhigay gaafka khaatomo dheh

 

Geeraarka aan wado haddaan Gabilay gaadhsiiyo

Gaalo raaca iidoor haddaan sadar ku gaaryeelo

Gabbaan weeye’aan lagu ogeyn garasho diineed

 

Garwaaqsiga nin raga baa waxuu galay la’sheegaaye

Guulihii na’uumay intaa hadal xun gaadhsiine

Gubban weeye oogada dhulkood guunyo laga waaye

Gardarada cawaankaas bal’aan sugo halkay gaadho

By written – Abwaaan – Abdihakim Herer

Minneapolis,MN

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>