Buuhoodle:- Shirwayne Balaadhan Oo Jawaab Culus Looga Bixiyey Shirkii Qorulugud {Akhirso + Sawiro}

Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 14-06-2012 Shir ay iskugu yimaadeen Madaxdhaqameedka iyo wax garadka Gobolka Cayn ee Maaml Goboleedka Khaatumo State Of Somaliya ayaa waxaa ka soo Baxay Go’aamo Lagaga Jawaabayo Qodobadii kasoo Baxay Shirii Ka dhacay Qorilugud 11-06-2012 Waxa ayna Go’aamada ka soo baxay Shirku yihiin:-

1- Midnimadda iyo Qaranimadda Umadda Soomaaliyeed waa Lama Taabtaan.

2- Jiritaanka Maamulka Khaatumo State Of Somalia waa Muqadas.

3- Beel ismaanu Dilin ee Maamulka Hargeysa ee aanu Maxaabiista Kala haysano ayanu isdilney.

4- Ummad Muslim ah ayaanu nahay oo Nabad Doonaysa Marka Dariiqa ay leedahay loo maro,Deegaankayaga Lagu soo duulay ee la fadhiyana laga baxo dhamaan.

5- Khasaaraha iyo Dib u dhaca ay colaaduhu u gaysteen Deegaanadayada cadawgu haysto waamid u taal xukuumada iyo shacabka khaatumo iagoo allahooda kaashanaya sida ay uga sai lahaayeen dhibtaas.

6- Iyadoo Nabad ku wada noolaanshaha Darisyadu ay dan u tahay Beelaha ay khusayso,hadii raadinteeda laga soko dhaco colaad uun bay sii kordhisa.

Ugu Danbanyii Waxaanu Maamulka Hargeysa iyo Shacabkiisa ugu Baaqaynaa inay ka Guraan Deeganadda ay ku soo duuleen hadii nabad waarta La rabo.

Wa bilaahi Towfiiq.

Isku soo wadaduuboo shirawanaha Balaadhan ayaa kusoo gabagaboobay Jawi aad uwaagsan waxaana qodobadan kasoo baxay siwayn usoo dhaweeyaya dhamaan Qaybaha kala duwan ee bulshada.

By – Axmed Cabdiqaadir Jabaan {Axmed Darwiish}

Buuhoodle – Khaatumo StateĀ 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets