Top News- Kornayl Bakayle oo Bixiyey Waraysi Xiiso Badan, Khaatumo Waa Muqadis,{Dhegayso}

Khaatumo Online- “Kornayl Cabdirisaaq Bakayle”  oo kamid ahaa dadkii sida wayn ugu soo halgamay Maamulkii Hore  Ssc ee deegaanada Khaatumo State oo warayi dhinacyo badan taabanaya Siiyey Radio Ssc – Codka Shacabka Khaatumo State ayaa ka hadlay Arimo Dhowra.

Kornayl Cabdirisaaq Bakayle ayaa shaaca kaqaaday Inuusan marnaba diyaar u ahayn inuu ku kaco waxyaabo Qaran dumis ah waxuuna raali gelin balaadhan kabixiyey Hadal uu dhawaan Warbaahinta  Mariyey – oo ay Saxaafada Qaran dumiska ah sixun ufasireen.

Mr Cabdirisaaq ayaa sidoo kale siwayn uga hadlay habka ay muqadis utahay Jiritaanka Maamulka Khaatumo State waxuuna sheegay in loobaahan yahay In Lada ogaado in ay khaatumo Tahay Lama Taabtaan, Sida jabahda SNM ay uqoonsantahay Somaliland Ssdfna uqoonsatahay Puntland.

Ugu danbayntii ayaa waxa uu kahadlay Arimo dhowra oo quseeya deegaanada Khaatumo State & Shirkii beesha Habarjeclo ugu soo afmeermay degmada Qurulugud.

Halkan Hoose ka Dhegayso

Khaatumo Online

By Axmed Cabdiqaadir Jabaan {Axmed Darwiish}

Source – Ssc Radio