Home » Jaaliyadaha » Shirkii jaaliya khaatumo ee UAE ayla yeelatay Pro galaydh iyo Dr saleebaan Xaglatoosiye {Daawo}

Shirkii jaaliya khaatumo ee UAE ayla yeelatay Pro galaydh iyo Dr saleebaan Xaglatoosiye {Daawo}

Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo Madaxweynihiu hore ee SSC Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadda Khatumo ee Imaaraadka Carabta.

Magaaladda Abu Dhabi waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin magac weyn ku leh bulshadda Khaatumo State oo ay ka mid ahaayeen Prof. Cali Khaliif Galeydh, oo kamida aasaasayaashii Khaatumo State, Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar, Madaxweynihii hore ee SSC iyo Dr. Cali Cige oo qaabilsan dhinaca dhaqaalaha, waxaaana layska xog waraystay horumarka ay ku taabsatay Maamulka khatumo mudadii ay jirtay iyo arimaha u baahan in qabto.

Shirka waxaa lagu furay Aayado quraanka kariimka ah, kadibna xidhiidhiyaha shirka Mudane Axmed Maxamuud Siciid Suufi, wuxuu Microfoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo State ee Imaaradka Col. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabir), wuxuuna ka warbixiyay waxqabadka Jaaliyadda oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay horumarka dalka.

Kadib, waxaa lagu soo dhaweeyay Dr. Cali Cige, wuxuu ka warbixiyay dhaqaalaha soo xarooday wuxuu bayaamiyay in meel walba xisaabiye joogo, isla markaana uu jiro Audit madax banaan oo howlahaa u xilsaaran, isagoo jaaliyada uga mahadceliyay sida ay uga qaybqaateen hawlaha wadanka kasocda kuna dhiiriyay inay sii wadaan dadaalkooda.

intaa kadib Waxaa microfoonka lagu soo dhaweeyay Prof. Cali Khaliif, wuxuu ka warbixiyay qaabkii ay u dhiseen maamulka khaatumo, iyo fikradda ka dambeysa in maamulku khaatumo noqdo maalmulkii ugu horeeyay ee yeesha 3 madaxweyne oo wareega ah mid waliba uu mudo kooban xilka hayo, habkaas oo ah mid ku cusub soomaaliya, wuxuu ka sheekeeyay waxqabadka guud ee khaatumo, degaanka maqan ee u baahan in laxoreeyo. Wuxuu kaloo ka warbixiyay sida qiimaha leh ee ay masuuliyiinka khaatumo uga qaybqaateen hawlaha kasocda magaalada muqdisho iyadoo ay awood u yeesheen inay kasbadaan umada soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa micoroofka lagu soo dhaweeyay Mudane Saleebaan Ciise Axmed kaar, wuxuu ugu horeyn mahadnaq u soo jeediyay jaaliyadda Imaaraadka doorkooda waxqabad, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi

‘fulay xantiina ma moogee baryahan waxaan maq maqlayay in la leeyahay Saleebaan wuxuu u socdaa Hargeysa, waxaan hortiina ka cadeynayaa inaan Hargeysa u socon, wuxuu tusaale u soo qaaday markii Daraawiishtii laga xoog roonaaday ayaa gumeysigii Ingiriisku wuxuu soo xidhay Ismaaciil Mire, waxayna ku yiraahdeen ‘Seer “Sir” dheh, wuxuu ugu jawaabay Afkii aan Sayid ku idhi Seer ku odhan maayo, aniguna afkayga somaliland ku odhan maayo, dhinaca kale wuxuu bayaamiyay inuu yahay mucaarad wax toosinaya balse uusan ahayn mucaarad wax duminaya, isla markaana wuxuu ku baaqay in la saxo tabashooyin jira.

Taasina waxay meesha ka saartay warar been abuur ah oo saxaafadda maamulka somaliland sheegayeen in Xaglatoosiye Hargeysa ku soo wajahan yihiin.

By Fardoole -

Khaatumo Online

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>