Home » Jaaliyadaha » Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somalia Ahna Golaha Fulinta G10 Oo Ay Xubno Ka Socday Jaaliyada Khaatumo Diaspora Associatin Sweden Kulan La Qaateen (Sawiro)

Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somalia Ahna Golaha Fulinta G10 Oo Ay Xubno Ka Socday Jaaliyada Khaatumo Diaspora Associatin Sweden Kulan La Qaateen (Sawiro)

Xubno ka soo kicitimay Sweden oo ka socdey jaaliyada Khaatumo Diaspora Associatin Sweden ayaa waxay la qaateen fadhi saacado badan qaatay Dr C/karin Xassan Jaamac laba maal mood kadib markii uu soo xidhmay shirkii Soomalida loogu qabtay Istanbul.

Dr Abdi karim oo ahaa wasiiradii ugu firfircoonaa xukuumadii raysal wasaare farmaajo ahna shakhsi ku caan baxay wadaniyad, karti , daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan waqtigana ka mid ah golaha fulinta ee maamulka khaatumo State of Somalia ayaa wuxuu qayb weyn ka yahay horumarka ay khaatumo ku talaabsatay mudadii gaabnayd ee maamulku dhisnaa.

Abdi Khalif iyo Cilmi Xaaji Xirsi oo ka socdey jaaliyada khaatumo Sweden ayaa Dr A/karin ka waraystay wax qabadka ay higsanayaan waqtiga dhow iyo siyaalaha loo dardar gelin karo in horumar laga gaadho nadaam laga hirgeliyo deegaanada khaatumo iyo sidii looga soo kaban lahaa dib u dhac ku habsadey deegaamada khaatumo mudadii ka dambeysey burburkii dawladdii dhexe oo aanay deegaanadaas ka jirin wax horumarin ah aadna looga curyaamiyey kaabiyada dhaqaalaha gebi ahaanba.

Waxaa kale oo laga wada hadlay sidii jaaliyadaha khaatumo loogu samayn lahaa summad ay ka mideysan yihiin iyadoo laga duulayo in la wada qaato magaca Khaatumo Diaspora Association kaas ay hormuud ka tahay jaaliyada minasota(USA):

Kulankan ay wada qaateen wasiirkii hore ee warfaafinta ahna golaha fulinta ee loo yaqaan 10 ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday jawi aad u dagan iyo isafgarad.

Khaatumo Online

 

 

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>