Warbaahinta Ku Qadhaabta Afka Shacabka Khaatumo Dabadana Kusita Mamulka Puntland & Maanta.

Waxaa jira qaarkamida Warbaahinta magac ahaan wata Magaalooyinka deeganada Khaatumo State, horayna siwayn ugu ololayn jiray maamulka Faroole ee dayacay deeganada Khaatumo State, Imikana bilaabay aflagaado qaawan iyo kala fogayn shacabka Khaatumo State ee walaalaha ah.

Maxay Ka Caanyihiin Warbaahintani ?

Markay warbixinada qorayaan waxay udhigayaan hab dad mucaarad ah oo ka hadlaya deeganada Khaatumo Masiirkooda, hasa ahaatee waxaa xaqiiq ah inaysan dhab ka ahayn, islamarkaana guulaha ay gaadho bulshda khaatumo ay kaga xuntahay sida ay dareemayaan maamulada Hareeruhu, isla markaana ayba ku hadlayaan Afka Maamulka Puntland.

Dhibaato Intee le’eg ayay Ku hayaan Bulshada Khaatumo ?

Kadib markii dhamaan bulsha waynta degta deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ay isugu timi shirwayne balaadhan  ayna samaystay maamulka Khaatumo State, waxaa madashaasi lagaga soo gudbay Рwixii looyaqaanay Qabiilka ama kala soocsooca bulshawaynta deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn.

Waxayna Shaqsiyaadkani doonayaan inay Dhibaatada laga gudbay dib u dhex geliyaan shacabkeena Soo Daalay.

Maxaa Ugu Danbeeyay Oo Lagu Daabacay Warbaahinta Khaatumada Seegan ?

Maalinimadii shalay Ayaa waxaa Qaarkamida warbaahintaas lagu dabaacay Aflagaado Qaawan oo loogaysanayo Madaxda Maamulka Khaatumo State, islamarkaana ka baxsan Xeerka Saxaafada Iyo Anshaxa islaamkaba.

Waxaana taa lagala xisaabtami doonaa Shaqsiyaadka gaarka ah ee bulshadeena Midnimadeeda kasoo Horjeeda & Guulaha lagaadhaba.

Maamulku Khaatumo Mayeelan Karaa – Mucaarad ?

Waxaa jirta inay Maamul kasta ama dawladkasta ay leedahay Mucaarad laakiin waxa Jira hadaf guud iyo mid gaar oo mucaaradku uqayb samo РShaqsiyaadkan ayaa la odhankaraa iyagu maaha mucaarad  Laakiin waxay umuuqdaan kuwa Qaran Dumis ah.

Dhaaliilaha maamulka waa lasoo bandhigi karaa – Sidoo kalana talo iyo tusaale waa lasoo Jeedinkaraa Laakiin Magaca Guud ee Khaatumo State Waa Lama Taabtaan.

Waxaana wax laga xishooda ah in Habqabiil laysku dayo markii lagu fashilmay Siyaasadii kale ee laga damacsanaa Maamulada hareeraha ayna suurta gali waayeen.

Talo Iyo Tusaale Ku Wajahan Warbaahinta Qaran Dumiska Ah.

Waxaa loogu baaqayaa shaqsiyaadka Ku caanbaxay howlahaas inay Joojiyaan Dhibaatada Iyo Faquuqa ay kula dhex jiraan bulshda Deeeganada Khaatumo State, waxaana la ogaysiinayaa in dhamaan Shacabka khaatumo uu kamidaysan yahay hadafka guud, islamarkaana aan lagaga faa iidaysan karin hab qabiil, in lagu carqaladeeyo Maamulkeena.

Halkan Kan hoose kadhegayso Abwaan Jaamac Kediye oo Lahadlay Nabiibiyaha.

Khaatumo State Online

Codka Dawlada Khaatumo State.

 

 

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX