Home » News » slidernews » Afgooye:- Ciidamada Amaanka Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmadaasi {Warbixin}

Afgooye:- Ciidamada Amaanka Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmadaasi {Warbixin}

Ciidamada nabadsugidda iyo kuwa booliiska ayaa maanta Howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana Lagu soo qabqabtay ku dhawaad 300 oo ruux oo looga Shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-qaaciddada Soomaaliya ka sameeyay degmada Afgooye.

Howlgalka ay maanta sameeyeen ciidamada dowladda ayaa Waxa ay ka bilaabeen degmada Afgooye waxa ayna gudaha u Galeen suuqa degmadaasi iyagoona guryaha iyo dukaamanka Mid mid u Baarayay.

Dadka la soo qabqabtay ayaa waxay ahaayeen kuwo looga Shakiyay in ay ku lug leeyihiin kooxda maleeshiyadka laga itaalka roonaaday ee shabaab, kuwaas oo dhamaantood lagu xiray xabsiga dagmadaasi.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidamada XDS C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Axmed Cali Fiqi Taliyaha ciidanka Booliska Shariif Sheekhunaa Maye iyo mas’uuliyiin kale oo Maanta kormeer ku tagay dagmadaasi ayaa halkaasi kula hadlay Warbaahinta.

Taliyaha ciidanka XDS, S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini aya warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay sii wadayaan howlgallad ka dhanka ah Al-qaacidda ilaa inta dalka oo dhan laga xoreynayo.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliska Shariif Sheekhuna Maye oo hadal ka jeediyay goobta ayaa waxa uu xusay in shabaab aysan rajo ka qabin in mar kale ay ku soo laabtaan deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, ayna diyaar u yihiin ciidamada in ay difaacaan dalkood.

Dhamaan mas’uuliyiinta ka hadashay goobta ayaa baaq u diray dhalinyarad ay marin habaabiyeen kooxda shabaab kuwaas oo haatan ku dhuumaaleysanaya deegaanno farakutiris ah oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>