Home » News » slidernews » Buuhoodle :- Qabalaha Shaxda Oo Siwayn Looga Xusay Sanadguuradii 20aad Ee Ginbootka {Daawo}

Buuhoodle :- Qabalaha Shaxda Oo Siwayn Looga Xusay Sanadguuradii 20aad Ee Ginbootka {Daawo}

Waxaa Maanta Sibaaladhan looga Xusay Guud ahaanba Dalwaynaha Ethopia Sanadguuradii 20 Aad ee Xuska Haayaa Ginbootka.

Xuskan ayaa ah mid laqabto sanad walba loogu dabaaldego Markii Xilka laga tuuray keligii Taliskii islamarkaan ay lawareegtay dawlada Federalka ah ee imika Ka Jirta dalka Ethopia.

Xuskan ayaa maaanta waxaa siwayn looga dareeramay Dhamaan Dhulwaynaha Dawlad degaanka Soomaalida oo ay gebi ahaanba uu kadhacay.

Dhinaca kale waxaa maanta dabaaldeg balaadhan ka dhacay Qaybo kamida magaalada Buuhoodle oo Kuyaal Xadka kala qaybiya Soomaliya & Ethopia, Islamarkaana hoostagana Degmada Danood.

Sidoo kalana waxaa siwayn ula dhacay oo daawanayey wacdaraha halkaasi lagu soo bandhigay Qaybo badan oo kamida Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle.

Xuskana ayaa waxaa ka qayb qaadanayey dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshda Kudhaqan Qabalaha Shaxda ee Dawlad degaanka Soomaalida, Barbaarta Gaashaaman iyo Ardayda dhigata Dugsiyada Waxbarasho ee Qabalaha Shaxda.

Waxaan halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaro cajiib ah iyo Barnaamijyo kale oo lagaga qayb qaadanayey Xuska Maalinta  Haayaa Ginbootka.

Xadka  Kala Qaybiya РSomalia & Ethopia ee mara Qayb kamida Buuhoodle.

Halkan Ka Daawo Qayb Kamida Video Sanad Guurada.

Khaatumo Online – Codka Dawlada

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>