DIGNIIN KA SOO BAXDAY BEESHA CUMAR XASAN EE GERI KOOMBE

Anigoo ah Dahir Mohammed Sheikh ( Dahir Washington) oo ku hadlaya Magaca Beesah Cumar Xasan ee Geri Koombe ayaa waxaan halkaan ka cadeeynaya in Qabiilka la yirahdo Geri Koombe in uu u Qeybsamo 3 Beelood oo kala ah: Beesha Cumar Xasan, Beesha Abyoonis iyo Beesha Isaaq Xasan Fadlan waxaad ogaata in Qabiilada la yiraahdo HARTI KOOMBE IYO GERI KOOMBE ; in ay yihiin laba Walaalo ah oo mataano ah, isla markaana ay u siman yihiin marka laga hadlaay DAAROOD.

Harti Koombe wuxuu u kala baxa Beesha Majeerteen, Beesah Dhulbahante, Beesha Dashiishle, Beesha Warsan Geli iyo kuwa kale, sidoo oo kale Geri Koombe waa Beesah Cumar Xasan , Beesha Abyoonis iyo Beesha Isaaq Xasan.

Labada Ugaas ee Beesah Abyoonis waxa ay jooggaan Muqdishu waxaana la kala yirahda: Ugaas Cabdiqaadir Sheekh maxamed Bile iyo Ugaas Cabdiraxmaan Cusman Sagal halka Beesha Cumar Xasan aan loo yeerin arrintaas oo ay ka danbeeyaan Dowladda ku meel gaarka ah Gaar ahaan Xafiiskla Prime Minister iyo Wasiirka Dastuurka iyo Qaar ka mid ah Ragga la shaqeeya Wakiilka Qaramada midoobey ee u Xil saran soo aruurinta Odayaasha Dhaqanka.

Anigoo ah ku hadlaaya magaca Beesha Cumar Xasan waxaan Digniin Culus u direeyna Beelaha Daarood in ay joojiyaan Cadaalad darada ka dhex jirta , Haddii kale Beesah Cumar Xasan waxay Qaadi doonta talaabo ay ugu hortagi doonto Cadaalad Darada iyo Dulmiga Daarood.

Mahad Sanadiin

Dahir Mohammed Sheikh ( Dahir Washington)
Email; mr.dahir@yahoo.com
Nairobi kenya

Khaatumo Online