Maxaa Ku kalifay In Jabhada SNM Kaqayb Gasho ShirkaTurkiga {Xog hoose}

Jabhada SNM ee Ay jaahwareerisay Beesha Siilaanyo ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay in shirka ka dhacaya dabayaaqada bishan May magaalada Istanbul ee xatunta dalka Turkiga ay ka qeybgali dooonaan iyagoona u dirayaariyay Afar wasiir oo u matali doona.

Wasiirka warfaafinta iyo Buun Buuninta Been Abuurada Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa u sheegay BBC-da in go’aanka uu soo baxay kaddib markii uu dhacay shir uu guddoominaayay Hogaamiyaha Jabhada SNM Siilaanyo ay Jabhadu ku go’aan satay in ay ka qayb galaan Shirka Somalida ee ka dhici doona Bishan May Dalka Turkey.

Jabhada SNM ayaa cudur daar ka dhigtay in ay heleen Warqad ka timi Dalka Turkey tas oo loogu sheegay inay kasoo qayb galaan shirka somalida lagu qabanayo Dalka Turkey midaas oo Jabhda SNM oo mudo iska giijinaysay ka qayb galka Shirarka Somaliyeed iyaga oo aqbalsan in ay ku yimaadaan Hab Beeleed.

Jabhada SNM ayaa si cad isu dhibtay kadib markii Caalamku dhabarka u jeediyay iyaduna ay Garowsatay in aysan meel fog gaadhayn wax badana sii soconayn Caadifada Beelaysan ee mudo ka badan 30 sano loogu sheekaynayay Beesha SNM.

Shirka Istanbul waxa ka qeybgali doona xaoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon iyo xubno kale oo muhiim ah. waxana laga filayaa inay kasoo baxan Arimo wax ku ool ah oo muhiim u ah Umada iyo Dalka Somalia.

Amina Waris – Hargaysa Somalia