Warsaxaafadeed ay soo saareen Wariyeyaasha aan xuduudda lahayn (Reporters Without Borders) ayaa waxa ay si kulul ugu cambaareeyeen dilkii naxariis la’aanta ahaa ee shalay loo gestay Wariye Axmed Cadow Canshuur oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho Muqdisho gaar ahaan Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle.
Reporters without Borders ayaa ku sheegay Warsaxaafedeedkan inay si weyn uga xumaadeen maqalka dilkii Wariye Axmed Cadow Canshuur kaasi oo shalay la dilay xilli uu kusii jeeday Gurigiisa oo ku yaalla degmadda Dharkeenlay ee magaalada Muqdisho.
Wariyaasha aan xuduudda lahayn ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay dalka 10-aad ee ugu qatarta badan dalalka caalamka marka laga hadlayo Warbaahinta Xorta ah.
“Dhamaan dilalkii horay loogu gestay Wariyeyaasha dalka Soomaaliya ma jiraan dad loo soo hortagay ama loo soo qabtay falalkaasi arxan darrida ah, sidaasi darteed waxaa madaxda siyaasadda iyo kuwa calaadad aan ugu baaqaynaa inay si deg deg ah gacan ugu geystaan difaacidda Wariyeyaasha” sidaasi waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed.
Wariyaal oo u shaqaynayay Idaacadda iyo TV-ga Shabelle ayaa la dilay 5-tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ay kala ahaayeen:
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments