Home » News » slidernews » Hanbalyo Culus- Warbaahinta Khaatumo State Oo Urur Cusub Loo Sameeyay (Daawo)

Hanbalyo Culus- Warbaahinta Khaatumo State Oo Urur Cusub Loo Sameeyay (Daawo)

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Weriyayaasha ka hawlgala Bariga Afrika , isla markaana ay si weyn ula socdeen weriyayaasha gudaha deeganada Khaatumo State ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee Amal Plaza ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa waxaa lagu unkay urur warbaahineed cusub oo ay yeeshaan Weriyayaasha Khaatumo State Of Somalia, kaasoo ay ku midoobaan dhamaan Weriyayaasha u dhashay dawladda Khaatumo State iyo deegaanadeeda.

Arintan oo in 3 todobaad ah laga shaqaynayey ayaa maanta waxaa doorashidii Gudoomiyuhu ka dhacday Amal Plaza ayadoo ay ku tartamayeen sadex weriye oo ka mid ah kuwa Khaatumo State Of Somalia, kuwaasoo kala ahaa Suleiman Maxamuud Xaashi Dheere, C/Raxmaan Cumar Cabdi,{C/raxmaan Soomaali}, Cadnaan Salaax Maxamed.

Doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen odayaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka tirsan kuwa Khaatumo ee Nairobi ayaa u dhacday si gacan taag ah oo xubnihii kale ee wariyayaasha codkooda si waafi ah u dhiibteen. Musharixiinta ayaa gudidada Doorashadu ka codsatay in qof walba taarikh nololeedkiisa, wax qabadkiisii iyo weliba hiigisiga ku soo gudbiyo mudo daqiiqado ah.

Wareegii koobaad ee cod bixinta ayaa waxaa ku gulaystay Weriya Saleebaan Maxamuud Xaashi Dheere, waxaana hadalkii la wareegay xubnihii kale ee la tartamayey , ugu horeyn C/raxmaan Soomaali ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo saaxiibkiisii la tartamayey isla markaana uu la shaqaynayo wuxuuna u Hambalyey Saaxibkiis.

Sidoo kale Cadnaan Salaax Maxamed oo asaganuna halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inuu ad ugu faraxsan yahay qaabka doorashadu u dhacday wuxuuna hambalyeey sida hufnaanta leh ee dooorashadu u dhacday.

Waxayna labada xubnoodba aad ugu nuux nuuxsadeen baahida loo qabo urur saxafaadeed oo wax u qabta weriyayaasha gudaha ku jira ee markaasi ayagu lagu hayo tacadiyada joogtada ah.

Gudoomiyaha cusub ee la doortay ayaa asaguna dhankiisa ka soo jeediyey qudbad kooban, wuxuuna ugu horeyn mahadcelin balaadhan u diray dhamaan weriyayaashii doortay iyo kuwaan dooranba, wuxuuna sheegay in wax qabadkiisa koobaad uu diirada ku saari doono sidii codka weriyayaasha dulman ee ku dhaqan deeganada Khaatumo xaqooda loogu soo dhicin lahaa, isla markaana caalamka la gaadhsiin lahaa tacadiyada, xadhiga, Afduubka iyo Musaafurtiska lagu hayo weriyaayaasha Gobolka Sool, wuxuu hoosta ka xariiqay in loo raadin doono weriyayaasha Tababaro ayadoo lala kaashanayo maamulka Khaatumo State Dawladda Soomaaliya iyo ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOj.

Gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqya weriyayaasha inay midoobaan isla markaana wuxuu sheegay in waxa keliya ee lagu soo dhacsan karo xuquuqda weriyaayasha oo maamulo kale wax ku cunaan ay tahay oo keliya, sida ay hadba ururkooda ula shaqeeyaan isla markaana ay isugu xidhnaadaan.

Maamulka Siilaanyo ayuu Suleimaan Haashi sheegay inuu galay fal danbiyoodyo heer caalami ah, oo uu ka galay weriyaayasha Khaatumo” SUxufiyiintii laga barokiciyey deegaanadooda, ee sida xun loola dhaqmay maaha mid la iskaga hadhayo, waxaana maamulka Siilaanyo wejihi doonan ciqaabteeda goor aan fogeyn”.

Gudoomiyaha dhalinyarada Kenya Abdulaahi Aadan Kaneec ayaa dhankiisa ku booriyey weriyayaasha inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirkooda, isla markaana ay gudoomiyahooda si buuxda ula shaqeeyaan si buu yidhi looga midho dhaliyo ka gun gaadhida urur wax tar weyn ka Gaystay weriyayaasha gudaha iyo kuwa debeda, wuxuuna horumar ku tilaamay in maanta Suxufiyiintu garteen doorkooda.

Mustafe Xuseen Tarwalle oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon geeska Afrika ayaa wuxuu hambalyey doorashada, isla markaana wuxuu sheegay in Warbaahintu ay tahay waxyaalaha lagu faano, isla markaana wuxuu sheegay in doorashadani ka turjumayso horumarka reer Khaatumo ka gaadheen dhanka Dimuqaaradiyada, sidaas daraadedna la ilaashado wadajirkeeda iyo weliba isku xidhnaanteeda.

Axmed Abdi Cawil oo asaguna ka mid ah marti Sharaftii ayaa dhankiisa Bogaadiyey doorashada, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko sida warbaahintu u tashatay.

Ugaas Axmed Seraad oo ka mid ah Odayaasha Jaaliyada Khaatumo ee Nayroobi, ayaa dhankiisa wuxuu aad u hambalyey xubnihii tartamay oo uu ku booriyey inay wada shaqeeyaan, isla markaana wuxuu warbaahinta Khaatumo ugu yeedhay inay xoojiyan ururkooda cusub si loo gaadho himilooyin badan oo la hiigsanayo.

Ugu Danbeyntii ururka Warbaahinta ee Khaatumo Journalism Association ayaa loogu wan qalay, waxaana la isku raacay in ururku uu balaadhiyo Hawlihiisa, ayadoo weriyayaalsha ku dhaqan gudahana ay qayb buuxda ka yihiin, isla markaana la soo dhisayo gudiyo heer Maamul , heer gobol iyo heer calaami ah taasoo maalmaha soo socda la soo gudbin doono, kadibna loo gudbi doono sidii waxqabad muuqda uu ugu samayn lahaa ururku weriyaayasha dhulka jooga oo loo raadin doono Tababaro iyo weliba inay helaan xuquuq dheeraad ah.

Ururka KHAATUMO JOURNALISM ASSOCIATION ayaa tacsi u diray weriye Axmed Cadow cashuur oo ka mid ahaa weriyaayasha ka hawlgala ilaacada Shabbelle oo maanta lagu dilay Muqdisho, waxayna xubnaha ururku ku baaqeen in weriyaayasha dilkooda laga waantoobo ayagoo xalad adag ku shaqaynayey mudada 21 sano ah.

Ugu danbeyntii xafladii ayaa ku soo afmeerantay jewi aad u wanaaagsan waxaana dhawaan la sugayaa golaha fulinta oo Gudoomiyuhu soo dhisi doono, asagoo la tashanaya xubnaha ururka.

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>