Jaaliyadda Khaatumo State ee Dalka kuwait oo Yeelatay Shirwayne Balaadhan {Warbixin}

Jaaliyadda ka soo jeedda Maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliyaa ayaa shalay oo jimce ahayd taariikhduna ahayd 18/05/2012 shir ku yeelatay magaalada Axmadi ee dalka Kuwait.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen badiba xubnaha jaaliyaddu waxa warbixino ka jeediyey xubnaha guddiga jaaliyadda oo ay ugu horeeyeen guddoomiyaha Axmed Maxamed Adan {Tabaatiig}iyo Guddoomiye ku Xigeenka Cumar Biixi Ducaale. Su’aalo, dood, tusaale iyo faahfaahino ka dib waxa shirku go’aansaday arrimaha soo socda:

1- In la adkeeyo midnimada jaaliyadda Khaatumo ee Kuwait lagana feejignaado khiyaamada iyo hagardaamada kuwa magac ahaan jaaliyadda ku abtirsada laakiin u adeega maamulada lidka ku ah Khaatumo ee “Somaliland” iyo Puntland.

2- In jaaliyaddu joogtayso dhaqaale bileed lagu taakuleeyo maamulka Khaatumo.

Waxa kale oo shirku Guddoomiye ku Xigeen u doortay Mudane Baashe Haybe Yuusuf isagoo bedelaya Mudane Cumar Biixi Ducaale oo dhowaan ka guuraya dalka Kuwait.

Axmed Tabaatiig

E-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com