Habar Dhaliwayday Alleelo Kuwaalatay – Maanta & Warbaahinta SNM ((Warbxin Xiiso leh))

Kadib markii Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex Islamarkaana ay uqabsoomeen mudadii koobnayd ee uu Jiray Waxyaabo Aad utirabadan oo lataaban karo, Aqoonsi buuxana kahelay Dawlada dalka Soomaaliya Iyo Caalamkaba.

hadaba wali  Waxaa jira  dad ku hanwayn inay soo noqoto gumaysigii iyo dhibaatadii muda dheer jirtay deeganada Sool Sanaag iyo Cayn ee laga soo baxay waqtigeediina laga Gudbay!

Maxay Warbaahina SNM Ku Maaweeliyaan Shacabka Ay Minjara habaabiyeen ?

Warbaahinta ku hadasha maamulka Dhiigyacab siilaanyo oo tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatum State ay soo wajahada Wajigabax iyo Fashil ayaa imika bilaabay Inay Gacmahooda ulataagaan wax yaabaha Fikerkooda ah islamarkaana ay ku magacaabaan inay kasoo baxday Shaqsi horgale ah oo Dhego libaax loo dhiibay.

Qaarkamida warbaahintaas ayaa waxaa lagu daabacay Qoraal aan habka uu udhiganyahay Qofka oo caqli leh dareemi karo cida Soo qortay iyo halka laga soo minguuriyey.

Wuxuuna Qoraalkani qayb kanoqonayaa Siyaadaha casriga ah ee Ay lasoo baxeen Warbaahinta maamulka SNM, Si aanay Ooda ujabsan Shacabka Saaran Buudiga madhan.

Maxaa Kala Haysta Warbaahinta SNM & Pro Cali Khaliif Galaydh ?.

Waxaa wax laga yaqyaqsooda ah ama laga xishooda in lakala garan waayo madaxda Maamulka Khaatumo State iyo Siyaasiyiinta Magaca wayn kuleh Dhamaan Aduunka Xilalkana kasoo qabtay Dawladihii Dalka Soomaaliya.

Markaad Aad ufiirsato waxyaabaha lagu daabacayo Warbaahinta maamulkaas ayaaad waxaaad ka dheehanaysaa Sida ayna waxba ula socon dadka jaahwareersan ee wax kuqora Saqda dhexe ee Habaynkii, kuwaas oo ubadan dad madax martay Siyaada fashilka ah ee hadhaadiga ku ah qaar kamida Gobolada Waqooyi ee dalkeena Soomaaliya.

Maxaa Lagu Daabacay Qoraalka Ay Qoreen Warbaahinta SNM ? Madaxana Loogeliyey Miskiin C/lahi X Jaamac Calas oo Aan Waxba kala Socon Siyaasada Caalamka & Amuuraha Taagan.

Waxaa qoraalkaas laga hadlay Arimo dhowra, Qodabad ay soo hor mariyeen Sheegayna inay Kasoo baxday Horgal C/laahi ayaa waxay kimid ahaa.

Gogogasha Siil-aanyo Sheego : Taas oo caan ku ah, in lagu dhawaaqo marka ladoonayo in Xasuuq loogaysto Shacabka deeganada Khaatumo State, kuna Salaysan isirladagaan Shaadh loo geliyey.

Qodob ku saabsan Qabyaalada: Qabyaaladu waatii Ay Jabhada SNM kaga Hortimi dawladii Soomaaliyeed iyadoo habayaraatee aanya jirin wax xuquuqo oo kamaqan, Hadana ayba Suxulduub ugu jiraan gooni u faquuqa iyo Soomaali diidnimada taas oo Asalkeedu yahay Qabyaad cad. {Maroodigu takarta Saaran Ma arko Tankale kasaaran Ayuu Arkaa!}

Aflagaadayn Shirwaynihii Taleex. Warbixin kusheegtaas ayaa siwayn Aflagaado balaadhan loogu gaystay Shirwaynihii Barakaysnaa ee Khaatumo 2 kaas oo Beelwaynta degta deeganada Sool Sanaag iyo Cayn ay kaga tashadeen aayahooda Islamarkaana ay kusamaysteen Maamulka kamdaxbanaan Maamulada Dhibaatada Xoogan ku hayey Shacabka Khaatumo State.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Warqadaas Arimo aan Sal iyo Raadtoona lahayn ee ay qoreen Warbaahinta Maamulka SNM Dushana ay ka huwiyeen Horgal C/laahi X Jaamac oo kamida dadka xilal kusheega ka haya Maamulka liic liicaya ee Ee Siilaanyo Jaah wereeyey, Sidoo kalana aanba warba ka hayn halka Ay marayaan Xaaladaha dalku.

Iskusoo wada duuboo Qoraalada Warbaahinta Maamulka SNN ayaa Waxa uu Noqonayaa {{ Habar dhali wayday Alleelo kuwaalatay}}.

Qalinkii – Darwiishka –

Khaatumo State Online