Home » Maqaalo » Habkee Ubilowday Shirkii Khaatumo 2, Sidee Kudhashay Maamulku, Dareenka Shacubkuna Siduu Ahaa {Top Barnaamij}

Habkee Ubilowday Shirkii Khaatumo 2, Sidee Kudhashay Maamulku, Dareenka Shacubkuna Siduu Ahaa {Top Barnaamij}

Radio Ssc : - Agaasimaha Idaacada Radio Ssc Codka Shababka Khaatumo State Oo Qayb laxaadleh kaqaadatay Horumarinta & halganka balaadhan ee Kasocdey Deeganada Khaatumo State Tan iyo Maamulkii horee Gobolada Ssc , Axmed C/qaadir Jabaan {Axmed Darwiish} ayaa Barnaamij qiimo badan oo Taariikhiya ka diyaariyey Habkii loo Aasaay Maamulka Khaatumo State ee loo sameeyay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Barnaamijka Ayaa waxa uu Taabanayaa dhinacyo badan Wuxuuna kasoo bilaambayaa Habkii ay ku bilaabatay Qaban qaabada Shirwaynahii Khaatumo ee lagu qabtay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.

Waxaad kaloo barnaamijkan dhexdiisa Kaga bogobtaan, shacabku dareenkay kamuujiyeen markii lagu dhawaaqay Maamulka Khaatumo State , dabaal degyadii raxay dhamaan deeganada khaatumo Iyo Daafaha Caalamka , Duulaanadii maamulka Somaliland kusoo Qaaday Gobolka Cayn ee uu Kufashilmay, Hagardaamada uu Maamulka Puntland ku hayo shacabka deeganadan iyo Habka uusan ugu qanacasanayn Maamulka ay yeeshaan Shacabka kunool Goblada Sool Sanaag Iyo Cayn.

Waxuuna kusoo Afmeermayaa Kudhwaaqistii Iyo Habkii loo dhaariyey Madaxda Khaatumo State , & Caqabada hortaagan Maamulka Khaatumo State iyo Habka u sahlaysa uu Maamulkani Hanto ugu danbayta deegaanada Loo Magacaabay.

Waxaadna barnaamijkan kaga Bogon doontaan waxyaabo badan oo aad Taariikhda Gelisaan.

Halkan Dhegayso Barnaamijka Oo Dhan.

Khaatumo State Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>