Home » Maqaalo » {Top Maqaal} Kuwii Taleex Ku Dhaartey La Garaye Ee Kuwa Ku Soo Biirayna Macnahood!!

{Top Maqaal} Kuwii Taleex Ku Dhaartey La Garaye Ee Kuwa Ku Soo Biirayna Macnahood!!

Tan iyo intii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo state of Somalia, wuxuu Faroole (Ex Taxi Driver) u tafa xaytay siduu u isaga hor keeni lahaa shacabka Khaatumo, siduu u kala diri lahaa, siduu qaarkood ugu adeegsan lahaa kuwa kale, siduu u burburin lahaa, maadaama uu caalamka dheef badan kaga helo.

-
Kooxahan ka soo jeeda deegaanada Khaatumo ee la soo uruursaday, ee marna sida kaadhka bangiga loo marsado, yacni (saxeexa) loo haysto, haatana ku sugan Garoowe, maxaa keenay inay xilligan shaashahadaha warbaahinta soo fadhiistaan? Maxaa keenay inay maamulka Khaatumo ka soo horjeestaan? Maxaa keenay inay maamulka Faroole hoos fadhiistaan? Maxaa keenay intooda qurbaha ka timidna inay ku soo biiraan kuwo horey Faroole u hoos fadhiyey? Ma shacabka ay ka soo jeedaan bay wax u dhimayaan mise shakhsiyadooda? Maxayse ka filanayaan markay shacabkooda u yimaadaan, Garoowena ka soo laabtaan?
Si aynu fahamno kooxahan is ciil huwan laba qaybood aynu u kala dhigno:
Qaybtii Koowaad oo ah Qoladii taleex ku dhaaratay.
Waxaa lama ilaawaan ah shirkii beelweynta dhulbahante ay ku qabsatay Taleex, oo run ahaantii ahaa mid in badan la xasuusan doono, sabab badan awgood:
•Goobta shirkaasi oo ahayd meel boqol sano ka hor ugu dambaysey shirweyne.
•Shirkaasi oo ay beesha dhulbahante weyne ay u dhamaayeen.
•Ergadii, Isimadii, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii, Culuma’udiinkii madashaasi iskugu yimid oo is dhaarsaday.
•In ciddi wax qabtaa aysan caloosha ku huursane, ay banaanka soo dhigto.
•In ilaahay dartiis la isu wada cafiyo, danta beeshana laga wada shaqeeyo…..
•In aan danta beesha shakhsi amaba qolo aan loo burburinin, cadowna aan loo soo raacin.
•In maamulka ay beeshu samaysato daacad loo wada noqdo, loona wada shaqeeyo.
•In mowqif midaysan laga qaato maamulada hareeraha inaga xiga, dibna aan loo daba fadhiisanin.
•In layska dhaafo u adeegida maamul kale, kan beeshu samaysatayna loo wada halgamo.
Hadaba iyadoo ay jireen arimahaasi aan kor ku soo xusnay, misana waxaa ayaan daro ah, waxaa nasiib daro ah. waxaa calool xumo ah, waxaa naxdin iyo wax laga yaxyaxo ah in aynu maanta aragno qaar ka mid ah shakhsiyaadkii shirkaasi joogay ilaahay dartiisna ugu dhaartay inaysan mar dambe shacabkooda khaa’imi doonin, sharaftoodana meel uga dhici doonin in ay maanta jebiyaan dhaartaasi ay ilaahay la galeen…iyagoo og shacabkooda dhibaataysan, horumar la’aantu aafaysey, ee uga baahnaa hiilka iyo in ay is hareer taagaan.
Kooxahani intay la soo safanayaan Faroole oo isagu u dhurtay in aysan Khaatumo madaxa la soo kicin, in aynaan noqonin dad maamul leh, taladooda leh, deegaankoodana wax u qaban kara, maxay markii Taleex la joogay mowqifkooda u cadaysan waayeen? Maxay shacabka beenta ugu sheegayeen? Maxaa keenay markay Garoowe isku hubsadeen inay ka soo yoonyoontamaan? Miyaanay ilaahay ka baqaynin, mise waxbaba dhulka kama yaallaan?!!!
Tan kale odaygan Faroole ee uu ku dhacay masayrka Khaatumo, miyeydaan ogayn inuu idinka war hayo, markaad ka sii yaacaysaan iyo markaad u soo yaacaysaan? miyeydaan ogayn in uu idiin arko axadyo aan qowl lahayn, soor quudheed mooye aan axdiba qabanin? miyeydaan ogeyn in uu idinka gaadhay dantuu idinka lahaa, oo ahayd inuu shacabkiina idinka hor keeno, inuu tuso in aad tihiin dad aan dhaarta alle aqoonin, in aad tihiin kuwo si fudud loogu adeegan karo, kolay isagu muraadkuu lahaa idinka gaadh….
Waxaan maqli jirey Meel Aar ka kacay Atoor fadh fadhiisaye, ma waxay maanta miciin bideen inay xaadh xaadhaan, oo fadhiistaan meeshii ay Isimada Khaatumo state of Somalia ay ka tashadeen, maadaama ay shacabkooda u dhaarteen, maantana ay u samaysteen maamul la siman maamuladaasi hareeraha inaga xiga, waanay ku amaanan yihiin Isimadeenna golaha sare ee dhaqanka ee iyagu dhaartii alle badbaadiyey…..
Qaybta Labaad oo ah Qoladii qurbaha ka tagtay.
Qoladaasi hore hadaynu intaasi kaga gudubno, waxaa iyaguna la yaable qolada qurbaha ka hayaantey, isla markaasina ku biirtay qoladii Taleex ku dhaaratay, ee iyagana Maxaa keenay inay faroole hoos fadhiistaan? Maxaa keenay inay ka hor yimaadaan mowqifka midaysan iyo maamulka ay beesha Khaatumo state of Somalia ay samaysteen? Halkee bay ku maqnaayeen intii uu shirka beeshu socday?
Diyaaradaha ma waxay u soo raaceen inay fikirkooda shacabka Khaatumo ku xumeeyaan, ma inay shakhsiyaad gaar ah ku xumeeyaan? ma inay muujinayaan inay adeegayaal u yihiin Faroole, mise Baroortu orgiga ka weyne, ma doollarkii budhcad badeedka u soo uray!!!!!!!!.
Tan kale markay shaashadaha warbaahinaha isu dhigayaan Miyeysan ogayn in ay iyagu naftooda wax u dhimeen, inay dullinimo aqbaleen, inay hoos galayaan u noqdeen Faroole iyo inaysan shacabka reer Khaatumo waxba ka qaadi karin, balse ay ku karaamo waayeen, meel walbana laga ogyahay…..
Isku soo wada duuboo Shakhsiyaadkaasi Faroole la soo saftay, waxay leeyihiin sifooyin isku mid ah,waxana ka mid ah:
•Shakhsiyaad nacayb sida qof amaba laba qof oo ay is hayaan, kala fikir yihiin, qardoofooyin hore u dhexeeyeen.
•Qadiyad la’aan salka ku haysa dhaameel raac.
•Guri kale u adeegayaal, koodana ka faanayaal.
•Laba wejilayaal, Axdiguna uusan qabanin.
•Rag tolkood u xiniinyo weyn
Ugu dambayntii qoladiina Faroole hoos fadhiya waxaan idiin sheegayaa Hangaraarac Lug Uma Dhutiyo, maanta shacabka Reer Khaatumo waxba uma dhimayso hadaad Faroole la soo safataan iyo hadaan Maamulka SNM la soo safataan, sababtoo waxa alla mahadiis ah in maanta beeshu wada socoto, midaysan tahay, isimadoodu hor kacayaan, madaxdoodu hogaanka u hayso, maamulna yeesheen lana arki doonee maamulkooda oo dhawaan hanaqaaday bi’dnilaahi Tacaala…..
La soco Qaybaha kale…………
source: Aftaag Production

Khaatumo State Online

 

Admin@khaatumo.com

One Response to {Top Maqaal} Kuwii Taleex Ku Dhaartey La Garaye Ee Kuwa Ku Soo Biirayna Macnahood!!

  1. ali jama Reply

    April 24, 2012 at 7:41 am

    WAXAAN LEE YAHAY DADKA REER PUNTLAND OO AAN ANIGA KA MID AHAY TAA GEERA DADKA REER SSC IYO KHATUMO INEY STATE YEE SHAAN.
    1.WAA DAD DHIIG IDIN KA DHAXEEYO
    2.WAA DAD CADOW HOR JOOGA “IIDOR”
    3.HADII AAD KALA QAYBISAAN WAXAA IMAANDONTA KHAAR INEY RAACAN IIDOR QAARNA PUNTLAND.
    4. IYAGA IYO WARSANGELI WAA IN LOO SAMEEYO STATE.

    ANIGU WALIGEEY MA ARAG WAQOOYI LAA KIIN WAXAAN HUBAA INEYSAN IIDOR HOOSTAGIN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>