Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena (Muxamed CSW)kprkiisa,Heeybad waxaad ku leedahay dhulkaaga Hooyo,waxaad maqaam iyo xurmo ku leedahay meel sharafi taal,meel sida kugu haboon loogu qiimeeynaayo kalsoonida iyo metelaada dadkaaga aad heeysta,gun-nimo iyo golle ceebeed meel shilimo quursi iyo garasho xumo ku geeysay,caqliguna hibo eebe bixiyo.
Lama yaabiin ayaan daradda iyo bahdalaada Dr-C/Raamaan C/Qaadir iyo sida sharafta looga qaaday,laakiin waxaan la yaabay damiir-xumadda,garasho xumada iyo qaadashada cadka quurse ee Horgalle-C/Raxmaan Talyanlle marna isma oran heerkaas ayuu gaaray ma gaari doonaa C/Raxmaan oo ahaan jiray Nin aad iyo aad Isla-weyni leh qoys magac iyo maamuus sare lehna ka soo jeeda,xaqiiqada ayaa ah in hoglae-nimadu tahay dhaqan gun-nimo iyo dulinimo ku saleeysan qofkana ka dishe ama ka abaarta qeybaha dareenka iyo dadnimadda(meel aan lagaa rabiin Indhaha lalama sii raabo C/Raxmaanoow)
Dhaaxaan maqlay erayo kul-kuluul iyo hadalo gef ah oo Ina C/Qaadir tolkiis ku gamaayo maantana halkaas ayaa awoodu dhigtay waana mid tusaalle wanaagsan loo soo qaadan karaayo qofkii damiir ama in yar oo dadnimo ah leh ka damqanaayo kana gil-gilanaayo,su’aasha ayaa ah horgalayaasha
asalkoodii hore ahaan jiray Reer Khaatumo horta wax dareen ah ama dadnimo ma leeyihiin? koleey anigu ma filaayo.
Waxaa kaloo ayaan daradeeda leh ceebteeda iyo sharaf dhaceedaba leh kuwa magaca Reer Khaatumo State ku doontay shilimo quursi iyo cadka ceebta iskana xaadiriyeey Xarunta Rajiimka fadhiidka ah ee Madaxweyne-Faroole iyo mashruuca riwaayad beeneedka Dastuurka P/Land ee ujeedada ka dameeysaa tahay cimri dheereeysiga keli-taliyaha ajiimkaas hor booda,la garay kuwa habeenidda habka dhuumashadda ugu baxay gobolka Cayn Magaaladda Buuhoodle asal ahaana weligood ahaa wakiiladda hab suuqa madoow ah
ugu adeega Faroole(kooxdda jeebka)balse waxaa murugadeeda leh dhaawac aqooneed iyo mid shakhisayeedba ah in goobta wuu ka soo xaadiro aqoonyahan sare oo mar keliya isu bedelay hoos jooge iyo daba mare talada danta guud iyo masiirka dadkiisa iyo
Dhulkiisaba,aqoon aan caqli weheliin waa mida Dr-C/Raxmaan C/Qaadir bahdalaadaas u keentay markaas aqooneey xaal qaado,dadnimo iyo sharafina waa u dhalasho,mana loo joojinaayo loomana dhutinaayo dhoowr qof oo calooshu hogaamiso iyo shakhsi ama labo dano gaar ah wada guushana waxaa leh inta danta guud raacay,midnimadda Illaaliya sida ku haboona u duuban Maamulka Khaatumo State Of Somalia,gunimona Ninkeeda iyadaa disha.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Apr-16-2012.
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments