Home » News » slidernews » Deg deg- Dawlad Goboleedka Khaatumo State & Shacabka Oo Tacsi U diraya Wasiir Ku xigeenka Khayraadka Dabiciga Oo Aabihii Geeriyooday-

Deg deg- Dawlad Goboleedka Khaatumo State & Shacabka Oo Tacsi U diraya Wasiir Ku xigeenka Khayraadka Dabiciga Oo Aabihii Geeriyooday-

Golaha Madaxtooyada Dawlada Goboleedka Khaatumo State, golaha sare madaxtooyada, golaha dhaqanka, dhamaan wasiirada dawlad goboleedka khaatumo state, Waxay tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaan wasiir ku xigeenka kharaadka dabiiciga dawlad Khaatumo Mudane Cabdi Faarax Mahad(Cabdi shube) oo aabihiis ku geeriyooday magaalada Laascaanood.

Waxay marxum Faarax Mahad ilaahay uga baryayaan inuu janada ka waraabsho, wasiir ku xigeenka iyo ehelka kalena ka siiyo samir iyo iimaan..

Wasiir Ku xigeenka oo hadda ku sugan magaalada Kalabaydh uma suurtoobin inuu ka qayb galo aaska aabihiis oo uusan arag 20 sanadood, xayiraada uu saaray maamulka SNM  ee gacanta ku haya magaalada Laascaanood awgeed.

Waxaa tacsidan nasoo gaadhsiiyey Afhayeenka maamulka Khaatumo mudane Cumar Jaamac Saleebaan.

Sidoo kale waxa tacsi taas lamida diraya dhamaan qaybaha kala duwano ee Bulsho waynta khaatumo State waxayna alle uga baryeen dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu kageeriyooday marxuun Faarax Mahad in ilaahay uu samir kasiiyo allana uu ku waraabiyo janadii Fidowsa.

Inaa lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun!

 

 

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>