{ Godka Lagu Janneegii } Waa Gabay Baroordiiq ah oo loo tiriyey Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed!

Assallaamu Calleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.
Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun .

“Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye
Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye “

(Marxuum Khaliif Sh Maxmuud)

Marka hore aan bulshada soomaaliyeed ,gaar ahaana shucuubta Shacabka reer Puntland ,Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyooday Cabdillaah Yuusuf Axmed Uga tacsiyeeyo geerida xaqdaa ee ku timid Marxuumka .

Runtii anigoo ku garaadsan ama soo gaadhin taariikhaha lama ilaawaanka ah ee Marxuumka Haddaan idhaahdo Shakhsiyadiisii baan gabay kusoo bandhigayaa waxaa hubaal ah inaan hafan doono ,waxaanse aaminsanahay inta aan sooyaalka marxuumka ka dheehday iyo intaan dhagta u dhigay inay yihiin wax igu filanoo aan wax ka tilaami karo .

Waxaanse bulshada leeyahay C/laahi illaahay ha unaxariisto ,hana odhanina isagoo kale soomaali kama dhalanayo ,waayo waa rajo dhig iyo saadaal aan wanaagsanayn ,illaahay wallad kheyr qaba iyo wiilal ina hogaamiya oo ummada mideeya ,wallaaleeya ,qaada ubaxa nabada ha inoogu badalo ….Isagana wixii uu inoo qabtay ajar iyo xasanaad haka siiyo

Godka Lagu Janneegii -
———————————–
Geeridu xaq weeyoo ,godkuna lama huraan weeye
Gadhcadaaga odaygiyo usiman gaban carruureede
Guri waa kan aakhiro adduun galin badhkii weeye
Hayeeshee galabta taa dhacdaan laba gudboonayne
C/laahi geerida ku timid way gilgilaysaaye
Goor aanan filanayn miyey geesi naga qaaday

Nin uu maydkuu gogoshiisa yaal gam´a loo diidye
Geesi iyo halyeybaa ka baxay gobolkii Soomaale
Godka lagu janneegii inaan gabay la´aan aaso
Oo aan iilka geliyaa anoo kaba dul geeraarin
Garaadkaygu diidyoo marnaba waanay galahayne

Afartaas gigtii nagu dhacdiyo gocoshadaydii dheh
Geeraar Abwaaniyo Murtida gogol dhigeedii dheh
Afar kalena waa geesi qaran gado tilmaantiis

Guul malaha maansadu haddaan laga garaabayne
C/laahi gacal buu ahaa waanay garanayne
Gob inuu ahaabaan bulshada gaar ubarayaaye
Kaan garan ninkii uu ahaa gabayga gaadhsiiya

Geesiga waxaa lagu gartaa goobta dirireede
Guurtiga waxaa lagu gartaa geed gar loo tagaye
Gaarida waxaa lagu gartaa guriga ay joogto
Ma gudboona kii hawl gabiyo kii xilkiis guda´e
Ninba geedkii uu beertay buu midho ka goostaaye

Garaad maleh ninkii uu hunguri gebi ka tuuraaye
Nin gasiin masaakiin ku koray oo gaajo baday uunka
Ayaa guga marxuumkaas jirsaday nabad ku gaadhayne
Guunyada dadwaynaha ma guran giniyo xaarane
Guryo gaara kama iibsaniyo gaadhi lagu qaado
Gaashaan bir adag buu ahaa geesigii baxaye

Siday geeridiisii utimid gebiba Soomaali
Gaalkacyo sida loo tagee loogu gogol xaadhay
Ayaad garan kartaa inuu ahaa geesi qarameed

Guddoomiye la jecelyuu ahaa geesigii baxaye
Gobonimo udirir buu ahaa geesigii baxaye
Guluubkii xornimaduu ahaa geesigii baxaye
Gaashaan dhig adag buu ahaa goobta dirireede
Guubaabshe shacab buu ahaa geesigii baxay.

Geed damal hadhwayn buu ahaa geesigii baxaye
Durdur aan go´ayn buu ahaa geesigii baxaye
Gal xareedi jiiftuu  ahaa geesigii baxaye
Tabihiisa gaarkaa markuu hawsha gudanaayo
Ma gabade halyey buu ahaa geesigii baxaye
Nimaan guusha laga qaadinoo gaadha hadafkiisa
Gardarna aqoon buu ahaa geesigii baxaye

Go´aan buu lahaa adag hurfoow geesigii baxaye
Garsoor buu ahaa kii gardaran garabka aan saarin
Golle buuxa geed loo balamay gogosha haasaawe
Guurti buu ahaa xaajo adag soo gunaanada
Garta nimuu udhiibtuu ahaa gaal iyo islaame

Gurgurshuu ahaa aan didayn geesigii baxaye
Gabadano miskiin ay heshoo gaajo daran hayso
Nin gargaara oo gacan qabtoo gacalka taageera
Gacan furane deeqsuu ahaa geesigii baxaye

Gallad lagu manaystuu ahaa gebiba soomaali
Garashada illaah siiyay baan ciddiba gaadhayne
Nin gartiisa qaatuu ahaa geesigii baxaye
Geyigiis nin jecel buu ahaa geesigii baxaye
Gumeysiga nin neceb buu ahaa geesigii baxaye

Maandeeq dharaartay gudhee Gaawe laga waayay
Garashiyo aqoon maalintii geeska laga dhaafay
Gacalkiyo sokeeyuhu markuu gebi ciloone
Gobol waliba waa kii iskii gaar usoo baxaye
Goonyaha taleex iyo dhulkuu nabada gaadhsiiyay
Gaalkacyo iyo bari intuu gacal walaaleeyey
Garoowada camiran iyo ilaa gobolka Buuhoodle
Guushiyo barwaaqada dhacdee gaadhay shacabkeenu
Kii noo gardaadshuu ahaa geesigii baxay

Xussuus gaara weeyo marnaba naga sal guureyne
Geedkuu ka beeraan dhammaan guranay maandhowe

Abaal gaara buu nagu lahaa oo la goyn karine
Godka lagu janeegii hadday geeri naga qaaday
Garashaduu lahaabaan marnaba naga sal guureyn
Qalbigaanba laga goyn karayn Geesigii Baxay

Rabbi kuu gargaaryoo godkuna waasac kuu noqoy
Guuluhu caddaab kuma geshoo gees fog kaa mari
Malaa´igi garbahaa kaa martoo Kuu galbiye kheyr
Gurigii fardowsiyo kuma gam´a gogosha raaxeed
Alloow geesi adigoo kaliyo gaban nasii fiican .

>Illaahoow Kuu Naxariiso>
Caddaabkii Kuma Taabtoo
Jannadii Ku Ciyaar
Cabdillaahi Haldooroow.

Khaliif Faarax Xayir
sarahaye@hotmail.com
Wassallaamu Calleykum.
Khaatumo State Online