6 gabdhood oo da’doodu ka hoosayso 20 sano oo jabhada SNM kaqaafashey magaalada laascaanood oo laga dayrinayo xaaladooda!

Khaatumo Online > Wararka naga soo gaadhaya magaalada burco ee gobolka togdheer ayaa sheegaya in saldhiga magalaasi lakeenay 6 gabdhoodh oo kasoo jeeda Khaatumo State oo dhawaan ciidamada Jabhada SNM gaar ahaan kuwa beesha siilaanyo ay kaasoo qabsadeen magaalada laascaanood kuna soo qabteen dabaaldegyadii lagu taageerayey maamulka Khaatumo State.

Gabdhahan ayaa da’doodu 4 kamida waxay tahay 16 jir halka labada kalana ay 20 ka madaxa lasii galayaan waxaaana markii hore loo dhaadhiciyey xabsiga magaalada Mandheera waxaana ilaalada xabsigaasi siwayn ugu gacansaydheen caqli xumada ciidamada beesha siilaanyo ee iska soo qabsaday hablaha yar yar waxay sheegeen inaan xabsigaas lakeenin dumarka & Caruurta oo uu gaar u yahay Raga.!

intaas kadib ayaa waxaa loo dhaadhiciyey gobolka sanaag iyadoo halkaasna ladiiday in lagu xidho waxaana maanta lakeenay saldhiga magaalada Burco kaas oo laciir ciiraya shacabkii laga soo daabulay magaalada Laascaanood.

Qaarkamida hablahan oo xidhiidh lasoo sameeyey Shabakada Khaatumo State Online ayaa waxay noo sheegeen in intii marba meel loo waday si xun oo bini aadanimada kabaxsan loola dhaqmay waxaana hablahaasi loo diidey imika inay  wax cunta ah cunaan.

Hablahan ayaa hadii aad maqli lahayd markay hadlayeen Habalahani waxaadba nici lahayd nolosha waxaan taasi maqraati katahay ka tahay sida isir ladagaalanka ah ee maleeshiyaad beesha siilaanyo ay ula dhaqmayaan shacabka deegaanada Khaatumo State.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada beesha SNM gaar ahaan kuwa abtirsada hogaamiyaha Jabhadaaasi ay xasuuq iyo dhibaato xoogan ugaystaan shacabka ku dhaqan deegaanada Khaatumo State! waaxaana la ogayn halka ay ku danbayn doonto xaalada hablaha da’da yar ee laga qafaashay magaalada Laascaanood!

Khaatumo State Online