Khaatumo.com

War Culus- Qalabka loo geeyay Radio Hargeysa, Oo Laga Qafeeyay Radio Muqdisho + Xogo kale
Warar Rasmiya oo Aanu Helayno ayaa Sheegaya dawlada china ay ugu deeqday radiomuqdisho codka jamhuuriyada somalia qalab casri ah oo radio fm masaafo aad u dheer laga dhagaysan karo iyo qalab ay ugu tala gashay tv ga qaranka somaliyeed ee SNTV.

Qalabkaaas oo ahaa qalabcasri ah ayaa waxaa safiirka Soomalia u fadhiya dalka China Mudane Yusuf dheeg iyo xoghaya koowaad ee safarada oo sheegto inoo yahay Qunsulka Safaarada lakin ah xoghaya koowaad ayaa waxay qalabkii dawlada china ugu deeqday u weeciyeen magaalada Hargaysa.

Mr Yusuf dheeg iyo Cawaale ayaa qalabka siiyey maamulka siilaayo ayadoo qalabka la mariyey shirkada Dahab shiil oo qalabkan ka qaaday dalka China.

Soomalida China ku nool ayaa aad ula yaabtay kadibmarki qalabkii loogu deeqay Radiomuqdisho iyo Tvaga Qaranka Soomaliyeed loo weeciyey Hargaysa, Yuusuf Dheeg ayaa arinkan ku kacay waxaana qalabka ka dhoofiyey dalka China.

Xoghaya koowaad Cawale Cali Kulane, halka yusf dheeg uu ku suganyahay magaalada muqdisho hotel la dhaho amiira hotel oo ku yaalo isgoosyka Zoobe aktiisa.

Qalabka loogu deeqay Tvga qaranka oo aad qaali u ah ayaa la sheegay in uu ahaa Gaadhiweyn oo Studio Guur guura uu saaranyahay oo hadba meesha dhacda ka dhacdo si live ah looga tabin karo.

Gaadhigaas ayaan wali Hargaysa gaadhin waxana la sheegaya shirkada Dahab Shiil inay ka iibsatay Tv cusub oo laga furi rabo magalaada Djouti ee dalka Jabuuti.

Dhinaca kale Arinkan waxba kama ogo dawlada cusub, Hasa Ahaatee Ganacsato iyo Aqoonyahan china ku sugan ayaa aad ula yaabay ayagoo balan ku qaaday inay dacwad deg deg ah u gudbin doonaan dawlada Soomaliya.

dhacdada ugu hadal haynta badan ee maanta china ka taagan ayaa ah arinkan, Baaris iyo daba gal aan ku wadno safarada somalia ee China oo dad gaar ah ay ka macaasheen ayaan idin soo gudbin doonaa insha allah.

Khaatumo Online

Barnaamikii “Dhambaal Culus” Qodobo Xiiso leh Maanta kaga Bogo (Maqal)
Ssc Radio- Waxaanu Halkan Idiinku Soo Gudbinaynaa Barnaamijka Dhambaal Culus oo qayb ka ah Barnaamijta Kabaxda Idaacada Ssc Radio Codka Shacabka Khaatumo State.

Barnaamijka Dhambaal Culus oo Ah Mid Aanu ku falanqayndoono Siyaasada , Homarka & Dhaqanka , ayaanu maanta waxaanu ku eegi doonaa Maxaa Loo aasaasay Khaatumo, Ma in Maamulada Hareeraha Loogu Quus dhameeyo, Ma in Xil lagu doonto, Ma in deegaanada Maqan Lagu Xoreeyo & Qodobo kale oo Xiiso leh.

Barnaamijka Waxaa Todobaankan isku Soo Duway idinlana Socod siin doona Ismaacliil Ibraahim Ducaale ‘Aftaag’

Halkan ka Dhegayso

(SSC Radio) Baroor Diiqda Wariye Axmed Saakin iyo Dhaleecaynta Jabhadda SNM ((Dhegayso))
Waa Barnaamij Dheer oo soconaya Hal saac oo Qurbo Joogta Khaatumo State Of Soomaaliya Ay Tacsi Baroordiiq ah ugu Dirayaan Gaariddii Naxdinta lahayd ee ku timid Wariye Axmed Saakin oo Dablay Hubaysan ay ku dileen Magaaladda Lasanod.

Shacbigga Qurbo joogta ee Reer Khaatumo Ayaa Dilkaas Waxay ku eedeeyeen Jabahadda SNM iyo Horgaladda ku Haya Magaaladda Lasanod.

Shacabka Reer Khaatumo Ayaa Waxay ka Hadleen Shirkan Dhibaatooyinka kala Duwan, Waxaana ka mid ah in SNM ay Rabto

1) In SNM ay doonayso in Dadka SSC ku Shaabadayso Alshabaab.

2) In Horgalayaasha Lasanod ayyan Dareensaneen Cirib Xumadda Arimaha Lasanod.

3) Sababta Loo dilay Wariyahan oo ah in la Caburiyo Saxaafadda iyo Xaqiiqada Dhibaatadda ka Jirta Degaanadda SSC.

4) In Maamulka Khaatumo loo Baahan yahay in ay Wax ka Qabtaan Arimahan.

5) In Issimadda SSC karti ay galiyaan Howlaha Goboladda SSC iyo Adkaynta Maamulka Khaatumo.

6) In Cullimadda Lasanod ay Gabeen in ay ka Hadlaan Dhibatadda lagi hayo Dadka Reer Lasanod.

7) in Ragga Degaanadda Khaatumo ay ka Seexdeen in ay Wax ka Qabteen Dhibaatadda Gobolka Sool.

9) in Dowladda Soomaaliya Wax Wada Hadal ah la gali karin Somaliland iyaddoo aanan la tashan Goboladda Kale Ee Reer Waqooyigga

ah Sidda Awdal/Maakhir/Khaatumo.

Barnaamijkan Waxaa Idiin Soo Diyaariyay Ahmed Laarri, Waxaana iga Caawiyay Maxfuud iyo Suldaanka.

SSC Radio

mrdarwiishland@gmail.com

hhaa

Mujaahid Deeq lasoo Gaadhsiiyey (Video)
Mujaahid Xasan Jaamac oo ahaa dhaawacyadii naafadu ka soo gaadhey dagaalkii sool-joogto kana mid ahaa dhaawicii maxaabiista loo qaatey oo lug lagu gooyay hargaysa ayaa ururka Gargaar oo ah ka dhisan wadanka maraykanka soo gaadhsiiyay deeq lacageed.

Ururkan oo ah urur caawiya dadka agoomaha iyo naafada dhibaatadu ka soo gaadho dagaalada snm ku soo qaado deegaanada khaatumo,ayaa deeqdani soo gaadhsiiyay xaq ku dirir xasan jaamac.

Khaatumo Online

abaha

“Axmed” Geeri daadii Qalbigu ila Guhaadowye, (Gabay Qiiro Leh)
Khaatumo.com- Waxaana Halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay Qiiro xambaarsan oo la tiriyey kadib Dilkii Arxandarada ahaa ee loo gaystay Weriye Axmed Saakin Faarax oo Maanta lagu aasay Magaalada laascanood.

Axmed geeridaadii qalbigu ila guhaadowye

Gacal kaa xanuunsde walow iilka lagu geyne

Gacan kaa xaqdaranbaa haddaa guudka loo sudhaye

Godka lagu janneeyoow adaw guuray meel wacane

Wax maad galabsan, uunkii ku ganay, waw goblamayaane

Waxan gocan shan kuu gaar ahaa oon gudbinayaaye

Gelin dhow caruus baad ahayd gaari guursadaye

Guri baad masuulkii ahayd golaha qoyskiiye

Gacal kugu hirtiyo waxa ku tebi gacaladaadiiye

Dhiiggaagu goobtuu ku dumay waa gol noo mudane

Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye

Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa

Go’doonkeeda Laascaano iyo silica loo geystey

Gumaadkiyo xasuuqiyo dulmiga guudka laga saaray

Maatadeeda gawraca mutiyo, goorrintiyo, tawsta

Geesi u guntaday baad ahayd cadow ka giigaane

Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye

Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa

Raggu iilka waa geli jiray goor ay joogtaba’e

Goob laga baroortaa ku badan godanka Soomaale

Gaashaan bir iyo baad ahayd gole dugsoonaaye

Runta kama gabbade baad ahayd xaqa ku gaadhnaaye

Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye

Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa

Giiryaale fulay baa ka qaxa gabadintiisiiye

Adaa geed adayg iyo ahaa geesi aan biqine

Ummadda u gargaaraad ahayd garab aan liicayne

Gebi baa ku dumay reerahaad gacal ahaydeene

Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye

Allahyoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa

Qofba wuxu galaa laga guntaa guudka dunideere

Waxaad qalin ku gunuddaa rag kale qori ku goosteene

Guubaabadaadii la maqal gees la joogaba’e

Galiilyaan ka qaadiyo inaan gama’ la diidaaye

Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye

Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa

WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Email: mabdalle@gmail.com

Deg Deg- Gaari ay Saarnaayeen Dad Badan oo Shacab ah oo goordhaw Madfac ku habsaday
Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Leego oo kuyaala Xadka Gobolada Bay iyo Sh/Hoose ayaa sheegaya in goordhaw Madfac habow ah uu ku habsaday gaari Caasi ah oo siday dad badan oo wadadaasi kusocdaalayay.

Warkan oo soo baxay goordhaw ayaan si rasmi ah loo xaqiijin kirin sida ay wax u dhaceen hasa ahatee Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gaarigaasi uu ku habsaday Madfac aan la ogeyn cida soo gantay Qasaaro xoogana uu ka dhashay Madfacaasi.

Lama oga tirade rasmiga ah ee ku geeriyootay Madfacaasi ku dhacay gaarigaasi , hasa ahaatee dad kusugan Halka ay mashaqadu ka dhacday ayaa ku waramay in uu jiro qasaaro xoogan oo soo gaaray dadkii gaarigaasi saarnaa.

Xiliga gaariga uu Madfacu ka dhacayay ayaa lasheegay in uu soconayay Dagaal iyo Duqeymo u dhaxeeyay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada.

Wali kama aysan hadlin Maamulka Gobolka Sh/Hoose arintan ka dhacday deegaanka Leego waxana hada lasoo sheegayaa in dadkii waxyeeladu gaartay ay gawaari kale u gurmadeen halkaasna ka qaadayaan dadkii ay wax kasoo gaareen Shilkaasi.

Khaatumo Online

Wariye Axmed Oo Lagu Aasay Laascanood
Waxaa Magaaladda Laascanood lagu aasay Alaha u Naxariistee Marxuum Wariye Axmed Faarax Sikiin oo ahaa wakiilka TV Universal ee Magaalada Laascaanood ee gobbolka Sool.

Alle Ha u naxariistee Marxuumka ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada Laascaanood ee gobbolka Sool ee maamulka Somaliland.

Rag hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa falkaasi dilka u geystay Alle ha u naxariistee Wariye Axmed Faarax Sakiin.

Dilalka Noocaan oo kale ah ayaa waayadii dambe waxaa lagu qaarijinayey Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobbolada dalka Soomaaliya.

Khaatumo Online

Dugsi Galay Buugga Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Adduunka
Dugsi ku yaal dalka Hindiya ayaa galay buugga lagu qoro dhacdooyinka cajiibka ah ee adduunka (Guiness World Record), kadib markii lala yaabay baaxadda uu ku fadhiyo iyo tirada ardayda wax ka barta oo tiradooda lagu sheegay 40,000 arday, sidaas darteedna loo aqoonsaday iskuulka dugsiyada adduunka ugu baaxadda weyn.

Dugsigan oo isugu jira dugsi hoose/dhexe iyo mid sare oo ku yaal magaalada Montessori, ayaa intii u dhaxaysay sannadadii 2010 ilaa 2011 waxa iska diiwaangeliyey arday tiradoodu dhan tahay 39,437 (sagaal iyo soddon kun, afar boqol iyo toddoba iyo soddon) arday.

Dugsigan ayaa tirada ardayda dhigata sannadkan kor u dhaaftay 45,000 arday, iyadoo ay wax u dhigaan macallimiin tiradoodu tahay 2,500 bare, sidoo kalena waxa yaal 3,700 kombuyuutar oo ardayda wax lagu baro, fasalladiisuna waxay ka kooban yihiin 1,000 qol.

Dugsigan oo loo yaqaan CMS waxa fura Jagdish Gandhi iyo xaaskiisa Bharti sannadkii 1959-kii, iyagoo ku maalgeliyey lacag dayn ah oo ay qaateen, taasoo dhammayd 300 Rubi, waqtigana u dhiganta 20.38 Dirham, waxaaa xilligaas dhigan jiray shan arday oo keliya, halka waqtigan uu 20 xarumood ku leeyahay magaalooyinka Lucknow, iyo Uttan Pradesh, isagoo aad loogu xasuusto imitaxaanaadkiisa heerka caalami ah.

“Dugsigayadu waxa uu u koray si aan caadi ahayn, waxaannu dedaalkayagu soo jiitay indhaha waalidiinta, annagoo siina ardayda adeeg waxbarasho oo aad u sareeya, darajadan dhacdooyinka adduunka ee aannu ku guulaysanay waa wax muhiim noo ah aadna aannu ugu faraxsanahay,” ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Jagdish Gandhi oo waqtigan isagoo 75 jir ah dugsigan gacanta ku haya.

Ibraahim Khadar Siciid

Kulankii Ugu Horeeyey oo Ka Dhaca Xafiiskiisa Raysal Wasaraha Daawo (Sawiro)
Khaatumo Online- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo marxaladda cusub ee dalku galay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaan si daah furnaan ah su’aalo u weydiiyeen haweenkii shirka ka soo qeybgalay waxayna haweenku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha iyagoona u muujiyey inay la yeelan doonaan wada shaqayn joogta ah si laysku waydaarsado talooyinka wax ku ool ah, iygoona soo jeediyey in la badiyo kulamada noocaan ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Marwo Caasho Shaacuur oo ka mid ah Madaxda Ururada Bulshada Rayidka ayaa aad uga hadashay dhibaatooyinka haysta haweenak.

“Haweenka Soomaaliyeed waxay sugayeen mudo badan inay helaan dowlad Soomaaliyeed oo Rasmi ah, dhibaatooyinkii ka dhacay dalka intooda ugu badan waxay soo gaareen haweenka iyo dhalinyarada waxaana markasta u taaganahay inaan safka hore ka galno sidii qaranimadii Soomaaliya dib loogu abuuri lahaa waxaana xog ogaal u nahay duruufaha ka dhex jira bulshada. haweenka Soomaaliyeed waxay xaga aqoonta uga jiraan kaalimaha ugu horeeya waana muhiim in xukuumada la dhisayo aan ku yeelano kaalin wax mug leh sababtoo ah Qaran waxaa lagu dhisi karaa marka haweenku qaataan doorkooda loona ogolaado xuquuqahooda asaasiga ah, waxaan maanta balan qaadaynaa inaan wada shaqayn joogta ah la yeelano dowlada anagoo magacaabi doona gudi arintaas ka shaqeeya”

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Dr. Saacid waxa uu u balan qaaday in haweenka Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah xafiiskiisu uu u furan yahay xilli kasta uuna sii wadi doono kulamada noocaan ah kuwaasoo talada lagu weydiinayo qeybaha shacabka Soomaaliyeed sida bulshada Rayidka, haweenka, odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Aqoonyahanka ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaadna maanta nasiib u yeelateen in kulankii ugu horeeyey oo ka dhaca xafiiskayga aad idinku ugu horaysaan taasna ay muujinayso tixgalinta aan u hayo Haweenka.

Khaatumo Online

Cajiib Xaglotoosiye oo ku Qancay In Lagu Daro Jabhadii SNM (Daawo)
Hogaamiyahii Hore Ee Maamulkii SSC xaglotoosiye Ayaa Sirasmi ah Ula wareegey Xilkii Been Abuurka ahaa Ee Siilaanyo U Soo Magacabay.

Goobta Uu Xilka Kula Wareegayey Oo Ka Muqdeen Dhow Horgale Oo Maamulka Ka Tirsan Ayaa Hadlo Kala Duwan looga Soo Jeediyey.

Hadaba Horgalada Madasha Ka Had lay Ayaa Hadal Aan Looga Xishoon Madaxa Ugu Dhuftay Isla Markaasina Sheegay Inuu Ahaa Nabad diid Hadana Nabada Qaatay.

Xaglotoosiye Oo Wajigiisa Aad Uga Muuqdey Bohosha Uu Ka Kala Laado Ayaa Sheegay Inuu Ku Farax san yahay San Dareerada Loo Dhiibey

Khaatumo Online